‘Dhgeyso:-“Cid kasta oo ka hortimaada howlgalka talaabo ayaan ka qaadi doonaa”Yariisoow

Wasiirka War-faafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisoow) ayaa sheegay in howlgalkii xasilinta amniga ee Magaalada muqdisho uu siwanaagsan uu hada u socdo islamarkaana ay jiraan dadka qarkood dhaliilo ka muujinaya islamarkaanka ka soo horjeeda howlgalka.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay hubka dadka ka ruuriso balse ay jiraan dad dan shaqsiyadeed fiirinaya kuwaas oo diidan howlgalka hubka dhigista waxa uuna sheegay in dowladda aysan aqbali doonin in howlgalkaas laga soo horjeesto talaabana ay dowladdu ka qaadi doonto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in ay sameeyeen fikir aruurin dhanka dadweynaha ah islamarkaana Shacabku ay taageereen howlgalkaas uuna sii socon doono.

Ciidamada loogu magacdaray xasilinta amniga ayaa todobaadkii labaad ka wada gudaha Magaalada Muqdisho howlgal ay hubka uga dhigayaan dad wata Hubka cul culus oo loo arko in uu ka qeyb qaadanayo mnidarada Magaalda muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media