Dhgeyso:-Al-Shabaab oo Gubay in ka badan 10 tuulo Odayaalna kaxeestay

Afhayeenka Ciidamada Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Yuusuf oo wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato mudooyinkii u dambeysay ku hayaan Shacabka ku nool tuulooyin ka tirsan degmada lambar Konton ee Gobolkaas.

Waxa uu sheegay in dowladda Somaaliya ay Shacabkaasi dayacday islamarkaana mar walba la iska dilo sidii ladoonana laga yeesho madaxda dowladda Somaaliyana ay iska daawanayaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose aan la siinin wax mushaar ah mudo dhowr bil ah taas oo keentay in dadka la dhibaateeyo.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in dhankooda ay marwalba diyaar u yihiin difaacida dadkooda ayna ka go’aan tahay isagoo eedeen u jeediyay xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku jira dowaldda Somaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media