Maamulka Ahlusunna Oo Xabsiga Ka Sii Daayay Xaliimo Yarey

Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Dhuusa-Mareeb Maamulka ee xarunta gobolka galgaduud in Maamulka Ahlusunna waljamaaca goor-dhaw Xabsi Guri kasii daayeen Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo galinkii dambe ee shalay lagu xeray Dhuusa-mareeb.

ma jirto wax war ah oo ay Warbaahinta siisay “Xaliimo Yarey” markii laga sii daayay xabsiga balse waxaa la sheegay in maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan ay ka sii bixi doonto Dhuusamareeb,

Xiriira Kala duwan oo aan la sameenay “Xaliimo Yarey” ayaa inoo xaqiijisay in xabsiga ay kasoo baxday wixii soo kardhana ay la wadaagi doonto warbhinta iyada oo sidoo kale umahad celisay masuuliyiintii ka qayb qaadatay sii deenteeda.

Mamulka Ahlusunna oo dhawaan la midoobay maamulka Galmudug ayaa wali ka hadlin xariga iyo sii deenta gudoomiyaha gudiga doorashooyinka “Xaliimo Yarey” Sidoo Kale Ahlusunna ayaa wali, waxaa u xiran ilaa 5 qof oo kale oo ay habeen hore ka qabtayn dhuusamareeb kuwaas oo ahaa Dumar caan ka ah magaalada waxaana aan la ogeyn illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeesa xernaan shiyaha dadkaasi.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha C/Samed Macalim Maxamuud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media