Dhegeyso: Warbixin ku saabdan weerarkii xalay lagu qaaday maqaayada Banaadir Beach ee Muqdishu

In kabadan 10 ruux ayaa geeryootay halkan tira intaasi kadbana ay ku dhaawacmeen, kadib weerar ay Al Shabab xalay ay ku qaadeen Baarka Banaadir Beach ee ku yaala degmada Cabda’aziis ee Gobolka Banaadir.

Werarka waxa uu ku bilaawday Qarax gaari, kadib waxaa xigay Rasaas, iyadoona saddex ruux oo hubeysan ay gudaha u-galeen baarka.

Caasho xasan, dhawaan ayeey dalka dib ugu soo laabatay  waxa ay dooneesay in ay gasho mid kamid ah Hoteelada kuyaala xeebta liido, waxaa ay idaacadda Dalsan ay u sheegatay in gaariga is-qarxiyay uu u dhawaa gaarigii ay wadatay.

Mid kamid ah Shaqalaha Baarka Banaadir beach ayaa maanta waxaa uu wariyaha Idaacadda Dalsan Saleemaan Xaaji Axmed raage uu kula kulmay, halkii uu qaraxa uu ka dhacay, waxaana uu sheegay in qaraxa ay dad badan ku geeryoodeen, inkastoo dowladda aysan faafaahin dadka ku dhaawacmay.

Afayeenka Wasaarada Ammniga Gudaha C/kamail Macalin Shukri, ayaa sheegay in ay xoojin doonaan ammaanka magaaladda Mogadisho.

Dhinaca kale Taliska Nabad Sugida C/llahi gaafoow, ayaa wariyaasha u sheegay in ay ka war hayeen werarkii xalay lagu qaaday baarlkaas Banaadir beach.

Warbixintaan: Waxaa Qoray oo soo jeedinaya Saleemaan Xaaji Amed Raage.

Halkaan ka dhegeyso:

20160826_071637 20160826_071505 20160826_071456 20160826_071450 20160826_071353 20160826_070335 20160826_070420 20160826_071125 20160826_071338 20160826_071349

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor