Dhegeyso: Haweenka xildhibaanada ah oo walaac ka muujinaya kamid noqoshada Barlamaanka soo socda

Xildhibaan Maryan Cariif, oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda soomaaliya ee hadda jira, ayaa sheegtay in ay walaac ka muujinayaan, sidii ay barlamaanka xiga ee soo socda ay qoondo wanaagsan ay uga heli lahaayeen haweenka soomaaliya, in kastoo qeybta ay ku leeyihiin la shaaciyay.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in dhibaato saameeynta ku leh ay tahay, sida odayasha dhaqanka loogu qasbi karo in ay haweenka siiyaan 30%.

Si taasi looga gudbo, waxaa ay haweenka soomaaliya ay kula dardaaranta in ay isugu yeeraan, dhamaan dowlada goboleedyada, dowladda dhexe iyo beesha caalamka arintaasina si sax ah looga hadlo, sida ay hadalka u dhigtay.

Halkaan Ka Dhegeyso

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor