Dhaqdhaqaaqa ODM oo sheegay inaysan Weeraradda Alshabaab hakan doonin haddii la xiro Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Kenya  ee “The Orange Democratic Movement (ODM) ayaa lagu  cambaareeyey Go’aanka ay Dowladda Kenya ku  xirayso Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma, waxaana la sheegay in qorshaha Qaxootiga Soomaalida sida khasabka leh loogu celinayo dalkooda hooyo aysan xal u noqon doonin cabsida dhinaca Argagixisadda ee ka jirta Kenya.

Agaasimaha ODM ugu qaabilsan Doorashooyinka, Xildhibaan Junet Maxamed oo ku saxiixnaa Qoraalkaasi ayaa tilmaamay inaan Qaxootiga lagu eedeyn Karin falalka Argagixisadda, wuxuuna tusaale u soo qaatay weeraradii ka dhacay dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Belgium.

“Isbahaysiga ODM waxa uu u arkaa go’aanka lagu xirayo Xerooyinkaasi tallaabo khatar lagu gelinayo Nolosha Kumanaan qof oo aan waxba galabsanin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi oo intaasi sii raaciyey inay tallaabadaasi noqon doonin mid sax ah Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Moraal ahaanba.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in go’aanka lagu xirayo Xerooyinkaasi ka hor imaanayaan Sharciyadda Caalamka, iyadoo la og yahay inaysan Somalia weli ka jirin Nabad horseedi karta in dib loogu celiyo dadkii Qaxootiga ee ka soo cararay Macluusha iyo Colaadaha.

Isbahaysiga ODM waxay kaloo sheegeen inay Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya gadaal ka  riixayaan  go’aanka ay Dowladda Kenya  ku xirayso Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaaab iyo Kakuma.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Maxamed waxay sheegtay inay Beesha Caalamka ku fashilmeen inay Dhaqaale ku taageeraan Qaxootiga ku jira Xerooyinkaasi, taasina ay Dowladda Kenya ku kalliftay inay qaataan go’anka lagu xirayo Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.
qaxootiga dadaab iyo kakuma dhadhaab

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor