Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo Saakay ka socda Shabeellaha Dhexe

Saacadihii la soo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab Meleteri ka helaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom Waxa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay intiisa badan ka wadaan deegaano hoostaga degmada Mahadaay gaar ahaan deegaanka Cali Fooldheere halkaas oo shalay ay kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalkaan uu socon doono ilaa Al-Shabaab ay ka sifeynayaan Guud ahaan Gobolkaas.

Saakay ilaa xalay ayaa deegaanadabGobolkaasi Shabeellaha dhexe waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq yadaas,iyada oo dadka ku nool dhulka miyiga ah ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay soo wajahday cabsi ku aadan in ay waxyeelo ka soo gaarto hadii ay dagaalamaan Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media