Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda deegaano ka mid ah Gobolka Gedo

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo si ay deegaanada Gobolkaas kaga sugan yihiin Al-Shabaab ay uga saaraan.

Taliyaha Ururka 49 ee Ciidamaad Xoogga Dalka Soomaaliyeed C.fitaax Maxamed Turbac ayaa faah faahin dheeriya ka bixiyay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay Ciidamada ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay saacadihii la soo dhaafay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo halkaas oo Al-Shabaab ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayay ahayd markii Sargaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Gedo oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Dhaq dhaqaaqyadas Ciidan ayaa haatan siweyn waxaa looga dareemayaa gobolka Gedo,waxana Saraakiisha hogaamineysa ay sheegayaan in ay ka Go’aan tahay in ay la wareegaan deegaano horleh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media