Dhaq dhaqaaq Ciidan oo Maanta laga dareemayo Shabeellaha Dhexe

Wararka Radio Dalsan ka soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saakay dhaq dhaqaaq Ciidan laga dareemayo halkaas.

Deegaanada Basra iyo Daniga Baaloow ayaa waxaa fariisin ku leh ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo maalma ka hor kala wareegay Al-Shabaab oo bilihii u dambeysay dhaq dhaqaaqyo ka waday.

Shalay Gelinkii dambe ayay deegaankaas weerar ku soo qaadeen Al-Shabaab, waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Wararka aan Maanta ka heleyno ayaa waxa ay sheegaayan in Ciidamada dowladda ee ku sugan deeganada Basra iyo Daniga Baaloow ay wadaan howlgallo ku aadan sidi ay u ogaan lahaayeen Goobtii shalay laga soo weeraray sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamadaas.

Abaan Duulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ay ka Go’an tahay in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media