Dhamaan Muslimiinta meel kastoo ay joogaan Ramadaan Kariim

Maalinta Berito ah oo ku beegan 27 Bisha May,ayaa la xaqiijiyay in ay tahay Maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan,maalintaan ayaana gaar u ah dhamaan Muslimiinta Caalamka.

Qaar kamid ah Waxgaradka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa Radio Dalsan Muqdisho waxa ay u sheegeen in Caawa Bishii laga arkay meelo kamid ah Magaaalada Gaalkacyo islamarkaana Maalinta Berito ah ay tahay maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan.

Sidoo kale waxaa jira magaalooyin kale oo laga arkay Bisha Ramadaan oo dadka ay aad u sugayeen.

Maalinta Berito ah ayaa lafilayaa in inta badan laga Soomo Gobolada dalka Somaaliya,waxana haatanh Guud ahaan Caalamka gaar aahn Soomaaliya laga dareemayaa diyaar garoowga Bisha Ramadaan.

Hadaba dhagestayaasha Radio Dalsan iyo Akhristayaasha www.radiodalsan.com meel kastoo ay Aduunka ka joogaan waxana leenahay Hambalyo Ramadaanul Kariim.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media