Dhallinyarro Somali la sheegay inay kufsadeen gabar British ah oo la xukumay.

Maxkamadda magaalladda Manchester ee dalka Britain waxay xukun ku riday 3 dhallinyarro Somali, kuwaasi oo la sheegay inay kufsadeen gabar u dhalatay dalka Britain.

Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu kala sheegay Muxiyadiin Cismaan, Bilaal Axmed iyo Mowliid Yuusuf ayaa lagu soo oogay inay gabar ku kufsadeen mid ka mid ah Musqulaha Hotelka lagu magacaabo The Victoria Park Hotel oo ku yaalla Degaanka Rusholme oo ku yaalla meel ku-dhawaad Labo mayl dhanka Koonfurta kaga toosan Bartamaha magaalladda Manchester ee Gobalka England ee Dalweynaha Britain.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha oo da’dooda lagu sheegay inay wada yihiin 20-jir ay bishii August ee sannadkii 2013-kii ay Kufsadeen gabadhaasi, isla markaana ay ka dhaceen Mobaylkeeda iyo hanti ku jirtey Boorso-gacmeedkeeda.

Garsooraha Maxkamadda Manchester Crown Court wax uu Eedeysanayaasha ku kala xukumay sidatan: Mowliid Yuusuf xabsi 10-sanno ah, iyadoo Muxiyadiin Cismaan iyo Bilaal Axmed lagu xukumay min 12-sanno.

Dhinaca kale, Ku-dhawaad 60 xubnood oo ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool Manchester waxay dibaadbax ka dhigeen Maxkamadda horteeda, waxayna ka soo horjeedeen  Xukunka lagu riday Dhallinyarada Soomaalida.

Waxay Dhallinyaradaasi ku tilmaameen Dhibanayaal si xaq-darro ah xukun loogu riday.

BILAL AHMED

Bilal Ahmed

UK 000

Mowled Yussuf

MUHIYADIN OSMAN

Muhyadeen Osman


UK1

Xigasho: Daily Mail

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor