Dhallinyarro haysata Dhalashadda Jarmalka oo la shaaciyey inay ka barbar dagaalamaan Alshabaab

Wargeyska FOCUS ee ka soo baxa magaalladda Munich ee  dalka Jarmalka ayaa qoray in ku dhawaad 15 Muwaadiniin Jarmal ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay ka barbar dagaalamaan Dagaalyahannadda Alshabaab ee ka soo horjeeda Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Wargeyska FOCUS waxa uu shalay qoray in lix ka mid ah Dhallinyarro deggan magaalladda Bonn ee dalka Jarmalka oo dhawaan ka soo laabtay dalka Somalia ay u sheegeen Baarayaasha Federalka inay jiraan 15 Muwaadiniin haysta Dhalashadda Jarmalka oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wargeyska FOCUS waxa uu tilmaamay in shan ka mid ah Dhallinyarradda ka soo laabatay dalka Somalia lagu eedeynayo inay muddo hal bil ah tababar ku soo qaateen Xero ay Alshabaab ku tababar qaataan, oo ay ka soo barteen qaabka loo isticmaalo hubka culus iyo bam-gacmeedyadda.

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Dhallintaasi ka soo jeeda magaalladda Bonn ee Galbeedka Jarmalka loo kaxeeyey aagga hore ee dagaalka oo ay kula dagaalameen Ciiddanka DFS, waa sida lagu qoray  WargeyskaFOCUS ee ka soo baxa dalka Jarmalka.

Qaar ka mid ah Dhallinyaradaasi ayaa u muuqday kuwo qorsheystay inay ku geeriyoodaan Fal Is-qarxin, iyagoo laga duubay Muuqaal Video ah oo Sagootin ahaa, waa sida uu Wargeyskaasi daabacay.

Dhinaca kale, Wargeyska waxa uu soo tebiyey in lixda Dhallinyarro ay hal sanno kadib isaga soo tageen Alshabaab, kadib, markii ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka duqeyn ku dileen Hoggaamiyihii hore ee Xarakadda Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

Dhallinyaradaasi waxaa lagu qabtay dalka Kenya bishii August ee sannadkii hore, waxaana dib loogu celiyey dalka Jarmalka, iyadoo ay Baarayaasha Federalka Jarmalka gacanta ku hayaan Kiisaska lo ohaysto Dhallinyaraasi.

Iyadoo la soo xiganayo Baarayaasha Jarmalka muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2014-kii ay Ku-dhawaad 20 Muwaadiniin haysta Dhalashadda dalka Jarmalka ay u soo safreen dalka Somalia, kuna biiray Xarakadda Alshabaab.

Xigasho:- FOCUS Magazine, DPA iyo DW

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor