Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo dalka Mareykanka

Maxkamadeynta dhalinyaro Soomaali ah ayaa weli ka socota magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka,kuwaas oo loo heysto iney taagerayen kooxda Daacish islamarkaana ay isku dayen iney dilal ka geystan meelo ka baxsan wadankasi sida aan ka soo xiganay VOA.

Cabdiraxmaan Bashiir oo ah wiil Soomaali ah oo heysta Mareykanka ayaa maxkamada shalay ka cadeeyay in markii hore uu damacsanaa inuu ku biiro kooxda Daacish ee Siiriya balse uu markii dambe go’aansaday inuu la shaqeeyo hey’adad dambi baarista ee FBI.

Guuled Cali Cumar ayaa kamid ah dhalinyarada loo heysto iney doonayen iney ku biiran kooxda Daacish,waxaana arintasi beenisay hooyada wiilkasi oo goob joog ka ahayd dhageysiga dacwada maalintii Isniinta.

Faadumo Cabdullahi Xuseen oo ah Hooyada dhashay Guuleed waxa ay rajeyneysaa in wiilkeeda uusan marnaba la xiriirin Daacish iyada oo wanaag u rajeysay wiilkeeda sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay VOA.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor