Dhalinyaro laga Shakiyay oo laga Reebay Diyaarad Usoo Socotay Magaalada Muqdisho

Diyaarad usoo socotay Magaalada Muqdisho oo ka Timi magaalada Nairobi ayaa laga reebay shan Dhalinyaro Somaliyeed ka dib Markii laga shakiyay

Diyaaradan oo ka soo kacaysay Magaalada Nairobi ayay ciidanka amaanku dhalinyarada kula hadheen Garoonka diyaaradaha halkaas oo la sheegay in su’aalo lagu waydiinayay
Dhalinyaradan laga shakiyay ayaa qaarkood ka yimaadeen wadamada yurub.
Dad goob joog ah ayaa idaacada Dalsan u xaqiijiyay in dhalinyarada haatan lagu hayo Magaalada Nairobi
Diyaarada ayaa waxa la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Me. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qayb Diid)
Dhalinyaro badan ayaa inta badan ka yimaada Yurub ayaa falal Amni daro ka Gaysta gudaha Dalka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor