Sawirro:-Dhalinyaro ku xirnayd xabsiyada Liibiya oo maanta Muqdisho soo gaarey

Garoonka diyaaradaha ee magalaada Muqdisho ayaa saaka waxaa soo caga dhigatay diyaarada siday ilaa 151 kamid ah dhalinyarada Soomaaliya oo laga keenay dalka Liibiya,kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsiyada Dalkaasi.

Dhalinyarada oo ay la socdeen mas’uuliyiintii ay dowladda Soomaaliya u wakiilatay oo uu ugu horeeyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yrub Cali Siciid Fiqi iyo xubno kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ilaa 300 boqol oo dhalinyaro ah oo kuxirnaa xabsiyada dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Tripoli ayaa isku diwaan geliyay si mutadawacnimo ah si ay dalkooda ugu soo laabtaan,kadib dadaalo ay sameysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Liibiya.

Maryan Yaasiin oo kamid ah mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya u xilsaartay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo badbaadin lahaa xabsiyada caalamka kana socotay xafiiska raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegatay in dadaalkan uu soo socday in muddo ah,haatana lagu guuleystay waxbadan in la soo badbaadiyo.

Dhanka kale Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo garoonka diyaaradaha kula hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin k abixiyay dhalinyaradaasi saaka la soo dejiyay.

“ Een muddo 15 maalmood ah oo aan wadnay dadaal anaga iyo safaaradda Liibiya,waxaa lagu guuleystay in aan diwaangelino ilaa 300 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsi kuyaala magaalada Triboli ee dalka Libiya,waxaan ku guuleysanay in 151 oo kamid ah dhalinyaradaasi aan saaka soo dejino, runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya,waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”. Ayuu yiri Danjire Fiqi.

Dhalinyaradan ayaa ka muuqatay dhibaato xoogan oo soo gaartay mudadii ay kujireen xabsiyada,basle ay farxad muujiyeen maadaama ay dalkooda hooyo ku soo laabteen,waxaa sidoo kale soo celintooda kaalin ka qaadatay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM,waxaa lafilaya in kuwa kale ee baaqiga ku ah dalka Liibiya dib loo soo celiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media