Dhakhaatiirta Hindiya oo la tacaalayo gabar yar oo jirkeeda diilmo leeyihiin

Labo isbuuc ka hor waxaa dalka Hindiya ku dhalatay gabar  yar oo miisaankeeda lagu sheegay 800 garam.

Waalidka dhalay wey diideen inay korsadaan gabadhooda.

Hooyadeeda oo la yiraahdo Mamata Dode ayaa sheegtay inay naaska jaqsiiso ama nuujiso.

Hooyadda oo 25 jir ah ayaa ku dooday inaysan haysanin gabar muuqaalkeeda nooc kale yahay.

Sidoo kale, ninkeeda oo lagu magacaabo Ajay Dode ayaa isaga diiday inuu oggolaado gabadhiisa oo 7 bilood ku dhalatay.

Awoowaha ninka dhalay gabadhaasi ayaa la sheegay inuu si gaar ah u xanaaneyo gabadhaasi, isagoo ku quudiya caanaha ariga oo uu dhalo ugu shubo.

Awoowaha oo lagu magacaabo Dilip Dode waxa uu gabadha yar ee aan weli loo magac bixinin geeyey Isbitaalku yaalla magaalladda Mumbai oo qiyaas  138 KM u jirta tuulladda ay gabadha ku dhalatay.

Waxa uu u mahadceliyey Dhakhaatiirta Isbitaalka oo daaweyn lacag  la’aan u fidiyey gabadha uu awoowaha u yahay.

“Waxaan u soo qaaday si aan u badbaadiyo, iyadoo ay waalidkeeda diideen inay korsadaan” ayuu yiri Odayga oo xoogsato iska ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay isaga iyo wiilkiisa iyo xaaskiisa rajeynayeen inuu u dhasho ilmo u caafimaad qaba sida gabadhooda curuda ee Payal oo 3 jir ah.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Wadia Hospital waxay sheegeen inay iyaga dusha u dhigteen kharajka daawada gabadhaasi oo ku kacayso lacag dhan £5,000).

Agaasimaha Fulinta ee Isbitaalkaasi, Dr Minnie Bodhanwala, ayaa sheegtay in ilmaha yar ii u muuqday ilmo fuuq baxay, waxayna rajo ka bixisay inay gabadha yar ka soo kaban doonto diifta ka muuqata.

Waxay kaloo sheegtay inay baaritaan ku samayn doonaan, isla markaana ilmaha muddo dheer lagu hayn doono Isbitaalka.

Xigasho:- The mirror.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

INDIA 1 MULUQ MULUQ2

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor