Dhakhaatiir Somali-Kenyan ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay Liibiya.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Labo qof oo Somali-Kenya ah oo loo tababaray Dhakhtarnimo lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalladda Sirte ee dalka Libya.

Dhakhaatiirtaasi oo lagu kala magacaabo Faarax Dagane Xasan oo 26 jir ah iyo Xiis Axmed Cali oo 25-jir ah, ayaa la sheegay inay Cilmiga Caafimaadka kaga soo qalin jebiyeen Jaamacadda ku taalla Caasimadda dalka Uganda oo lagu magacaabo  Kampala International University in Uganda.

Ka hor intaysan Labadaasi Dhakhtar ka baxsanin Kenya waxay Baarayaasha Boliska Kenya ku xiriiriyeen inay xiriir la leeyihiin waxa loogu yeeray Shabakad Argagixiso, oo qorsheynaysay inay Kenya ka fuliyaan weeraro ay u adeegsadan Hubka Biological weapon, waa sida ay Boliska sheegeen.

Bishii April ee sannadkii hore ayey Boliska Kenya ogaadeen qorshahaasi, kadib, markii la xiray Dhakhatar Somali-Kenyan lagu tuhmayey inuu maskax u ahaa qorshahaasi, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Cali oo lagu naanayso Abu Fidaa.

Dhakhtarkaasi iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Nuseybah Maxamed “Umu Fidaa” ayaa ku xiran Kenya, kuwaasi oo Xukun-sugayaal ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media