DHAGYESO: Ra’isul Wasaare Kheyre oo Saraakiisha Millatariga Iyo AMISOM Kala Hadlay Wadooyinka ay Go’doomiyeen Alshabaab

Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay saraakiisha ciidamada xoogga iyo saraakiil ka socotay AMISOM oo uu kala hadlay dagaalka Alshabaab, gaar ahaan wadooyinka ay go’doonsan, sidii loo furi lahaa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in loo baahanyahay deg deg in loo furo wadooyinka go’donsan, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.