Dhageyso:Xeer ilaaliyaha Qaranka “Canshuuraha kasoo xarooda garoonka Diyaaradaha waxa ay ku dhacaan shaqsiyaad”

Xeer ilalaiyaha  guud ee Qaran Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay jiraan caqabado hareeyay qaadista  canshuuraha  kasoo xarooda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,taa oo uu ku sheegay in ay ku dhaceyso  shaqsiyaad.

Axmed Cali Daahir ayaa soo hadal qaaday hanaanka qaadista Canshuuraha iyo sida loo maareenayo,waxaana uu tilmaamay in isaga uu arkay lacago kaash ah oo ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad.

Wasaarada Maaliyada ayuu u jeediyay in ay wax ka qabato nidaamka lacagaha kaashaka ah ee casnshuur ahaan usoo xarooda iyo dadka si toos ah lacagtaa ay u gaareyso

Hadalkaas ayuu ka sheegay Munaasabad Maanta ka dhacay xarunta wasaarada Maaliyada oo uu ka qeyb galay Raisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Axmed Guuleed Qadar

Halkan ka Dhageyso Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media