Dhageyso:Wasaarada Gargaarka iyo Hey’adaha Samafalka oo ka wada hadlay arimaha Abaaraha.

Kulankan ayaa Arbacii maanta waxaa uu ka dhacay xarunta Xiriirka iyo isku dabaridka UN-OCHA ee Magaalada Muqdisho,Waxaa diirada lagu saaray Arimaha Abaaraha ee Geeska Africa.

Kulanka Waxaa ka qeyb-galay Wakiil ka socdal Hey’adaha Samafalka Caalamka iyo kuwa ka socday Hey’adaha Gargaarka bixiya ee Gudaha Somalia iyo Gudiga Abaraaha ee Maamulka Goboleedyada iyo Gudiga Gurmad Abaaraha ee Heer Federal.

Kulan ayaa waxaa warbixin looga dhageysay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Warbixintaa oo la xiriirtay Waxyaabihii dhanka Gargaarka ka qabsoomay 3-bil ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dalka Maryam Qaasim oo Madasha kusugneed ayaa suxufiyiinta u sheegtay in laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Gurmadka loo fidinayo Dhibanayaasha Abaarta.

Halkan Ka dhageyso Wasiir Maryam Qaasim:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media