Dhageyso:’Madaxweyne Xaaf”Naga Caawiya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Burcad Baddeeda

 

Madaxeynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka xiligaan ka jira deegaanada Maamulka Galmudug ee u baahan in waxbadan laga qabto.

Xaaf,ayaa sheegay in markii laga soo tago dhibatooyinkii ka dhashay dhanka abaaraha ay weli jiraan Kooxaha Burcad Baddeeda Somaalida iyo Al-Shabaab oo amniga lidi ku ah balse loo baahan yahay in Galmudug ay hesho Saldhig iyo waliba waxyaabihii muhiimka u ah dhanka Amniga.

Sidoo kale Xaaf,ayaa soo hadal qaaday Muwaadiniin Somaaliyeed ee loo heesto fal Burcad Baddeednimo ah oo ku xiran dalka hindiya,waxa uu sheegay in dowladda Soomaliya looga baahan yahay in ay ka qeyb qaadato sidii loosiideyn lahaa islamarkaana isagu uu bixin doono Diyaaradii soo qaadi laheyd.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu sheegay xili uu khudbad ka jeedinayay Munaasabadii lagu Caleemo-Saarayay ee lagu qabtay Magaalada Cadaado.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media