Dhageyso:Madaxweyne C/wali Gaas oo Iclaamiyay Dagaal ka dhan ah Alshabaab

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu ka hadlay weerarkii Alshabaab ay khamiistii ku qaadeen Xerada Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Deegaanka Af-urur.

Madaxweyne Gaas ayaa suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Garoowe,waxaana uu si adag uga hadlay weerarkaas Askarta badan ay ku geeriyoodeen,waxaaana uu Iclaamiyay Dagaal ka dhan Alshabaab.

Dadka ku dhaqan Deegnada Puntland ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weerarada Alshabaab,Ciidanka Amaankana ay la shaqeeyaan.

Halkan ka dhaceyso Madaxweyne Gaas:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media