Dhageyso:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xuska 8-da Maarso

Iyadoo Maanta ay ku beegantahay 8-da Maarso oo ah maalin Haweenka aduunka ayaa munaasabad loogu dabaal dagayo maalintaasi waxaa ay ka dhacday Magaaladda Muqdisho iyadoona uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ay dowladda soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Haweynka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ka qeyb qaatay horumarka Dalka.

Sidoo kale Maxadweyne Xasan ayaa ugu baaqay haweenka soomaaliyeed sii wadaan ka qeyb galka Horumarka Dalka uu hiigsanaayo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor