Dhageyso:Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna oo sheegay in Xildhibaano katirsan Baarlamanka Federaalka ay dhabar jabiyeen wada hadaladii Ahlusuna iyo Galmudug

Kadib wadad hadaladii dhicisoobay oo ay muqdisho kulahaayeen Ahlusunada Dhuusamareeb iyo Maamulka Galmudug,kaa oo ay garwadeen ka aheed Dowlada federaalka ayaa waxaa kahadlay Maamulka labaxay Gobolada dhexe ee Ahlusuna.

Warsaxaafadeed ay soo saraeen ayey kaga hadleen dadaalada dibu heshiisiinta waxaana ay sheegeen in Xildhibaano katirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka ay dhabar jabaiyeen shirarkii dibu heshiisiinta oo ay Muqdisho ku lahaayeen.

Dhinaca kale waxa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aysan aqoon saneen shirarka ka socda Cadaado ee lagu dooranayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Warsaxaafadeed waxaa Dalsan la wadaagay Madax warfaafinta Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Muxiidiin Cali Jimcaale Jakuula.

Halkan ka dhageyso Warsaxaafadeedka ay soo saareen Ahlusunada Dhuusamareeb:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media