Dhageyso:Gudoomiyaha Kaxda oo dalbaday in gargaar Caafimaad loo fidiyo Barakacayaasha ku nool Degmadaasi.

Xaalado dhanka nolosha ah ayeey wajahayaan Barakacayaasha ku nool Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir,Maalin ka hor waxaa lasoo wariyay in 15-qof ay ku geeriyootay Xerada Daryeel oo ay kujiraan in kabadan 1,000 qof.

Cudurka Shubanka ayaa ka dilaacay Xeradaasi Caruurta ku geeriyootay Kaamka Daryeel ee Degmada Kaxda ayaa la rumeesan yahay in ay u geeriyoodeen xanuunka Shubanka.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa Radio Dalsan u sheegay in dhibaatooyinka ugu badan ay ka jiraan dhanka Caafimaadka.

Waxaana Gudoomiyaha uu dalbaday in gargaar Caafimaad loo fidiyo Barakacaayashaas ku jira Xerayaha Degmada Kaxda.

Halkan Ka dhageyso Gudoomiyaha Kaxda Maxamed Ismaaciil:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media