Dhageyso:Ergayga QM ee soomaaliya oo Gaalkacyo kula kulmay R/wasaaraha iyo Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Kulan kaan maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha cabdulaahi yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa ahaa mid lagu xoojinaayo heshiiskii xabad joojinta ee laga gaaray dagaaladii ka socday magaalada Gaalkacyo waxaa ka qeyb galay R/wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali sharmaarke, Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Michel Kitting iyo Madaxweyne yaasha maamulada Puntland iyo Gal-mudug.

Ergeyga QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyo Masuliyiinta kale ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sida loo Xoojin karo Heshiiska Xabad Joojinta iyo sida Dadka ka Barakacay Magaalada Gaalkacyo dib loogu soo celin lahaa.

madaxweynaha Puntland cabdiwali maxamed cali gaas ayaa soo dhaweeyey Ergayga iyo xubnaha lasocday isagoona sheegay in dhanka puntland ay diyaar u yihiin sidii looga shaqeyn laha nabada iyo hormarka.

Halkaan ka dhageyso codka C/weli Gaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor