Dhageyso:Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib loo dhigay

Maanta ayaa lagu waday in Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Galmudug ay hortagaan Xildhibaanada Baarlamanaka Galmudug oo ay soo bandhigaan Musharaxnimadooda,hasa ahaatee dib ayaa loo dhigay xiliga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geele ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsn waxa uu ku xaqiijiyay dibu dhacaasi.

Sedexda Bisha May ayaa loo asteeyay in la qabto doorashada sida uu shaaciyay Gudoomiye geele,oo waxaa uu sheegay in xiligaa hadii ay dib uga sii dhacdo in isaga uu xilka gudoomiyaha gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug uu iska casilayo.

Halkan ka dhageyso Wareysiga gudoomiye Xildhibaan Maxamed Xasan Geele:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media