Dhageyso:Diblumaasi Caalim oo ku baaqay in dadka Hiraan iyo Sh/dhexe loo madax baneeyo aayahooda

Maxed Max’uud Nuur Caalim oo ah Diblumaasi Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay qaabka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo weli kahad uu ku jiro sameyntiisa.

Waxa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in Dowladu ay u madax baneyso dadka kasoo jeeda laba gobol iyadoo loo dirayo xildhibaanada Barlamaanka si ay meesha uga baxdo is qab qabsiga imminka jira.

Isaga oo hadalka sii wata ayuu dhinaca kale sheegay in madaxweyne Xasan sheikh uu ku howlan yahay sidii shaqsi xisbigiisa katirsan uu ugu guuleysan lahaa hogaanka maamulkaas si buu yiri xiliga doorashada uu  maamul gobolada gacan uga heli lahaa.

Dhismaha maamulka Hiraan iyo sh/dhexe ayaa weli hakad ku jira kadib markii qaar kamida odayaashi kasocday gobolka Hiraan ay isaga baxeen kadib markii ay shegeen in aysan u cuntami Karin qaabka ay wax u wado wasaaradda arimaha guddaha.