Dhageyso: Xuska 26-ka Juun oo Muqdisho si weyn looga dabaal dagay iyo madaxda qaranka oo ka qeybgashay

Dareenka dabaaldaga 26 Juun oo ay xiligaas Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa maanta muqdisho si weyn looga dareemay .

Boqolaal shacab ah oo u badnaa haween ku labisnaa dharka calanka qaranka  iyo masuuliyiinta oo uu ka mid ahaa madaxweynaha jamhuuriyada ayaa la qiireysnaa qiimaha maalintaa iyo xususta astaamaha ay abwanadu u cabiren jiritaanka Soomaliweyn oo ay ka shan qarinayeen ciidanka baambeyda.

Waxaana amniga fagaaraha taalada daljirka dahsoon adkeynayay ciidamada kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne xasan sheikh ayaa halkaas ka jeediyay qudbad uu nuxurkeedu ahaa in uu dadka u muujiyo macnaha xuriyada iyo sida ay somalidu dhiiga ugu soo shubtay in ay helaan hal calan oo ay hoos harsadaan.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta oo ay inoo diyaarisay Farxiyo Maxamed Xuseen

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor