DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo Lagu Bogaadiyey Tallaabadii Xakameynta Hubka Madaxda Dowladda

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo toddobaadkan kulan koodii ka soo saaray qodobo quseeya amniga Muqdisho, ayaa tallaabadaasi waxaa ay noqdeen kuwo la soo dhaweeyey, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho, oo inta badan ay ka dhacaan falal lidi ku ah amaanka.

Shariif Roobow oo Falanqeeya  arrimaha amniga ayaa xukuumada ku bogaadiyey tallaabada ay u qaaday xakameynta Hubka ee masuuliyiinta dowladda, waxaa uu sheegay in dhibaato lagu qabay markii hore gaadiidka hubeysan ee ilaaliya madaxda qaranka, islamrkaana qal galin jiray dalka shacabka ah, islamarkaana uu xusay in baahi loo qabayin la xaliyo arrintaasi.

Dhinacakale Roobow ayaa walaac ka muujiyey amarkii maamulka gobolka Bnaadir uu ku mamanuucay gaadiidka lagu baakimo wadada Makka-almukarama waxaa uu sheegay inuusan sahaqeyn karin go’aankaasi, islamarkaana uu dhibaata ku yahay dadka shacabka ah, oo uu xusay inaysan lahayn Muqdisho meelo loogu talagalay baakinada gaadiidka, dadkuna ay ubaahanyihiin.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media