DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo Ka Hadashay Doorashada Galmudug

Waxaa socda wada hadal ay garwadeen ka tahay dowladda dhexe ee soomaaliya, kaas oo lagu heshiisiinayo maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna Waljamaaca, si loo dhiso maamul ay ku mideysan yihiin.

Wasiirka warfaafinta Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa wariyayaasha u sheegay sababta xukuumada soomaaliya ay u dardar galineyso heshiiska maamulada Ahlusuna iyo Galmudug inay tahay, si ay u dhacdo doorasho xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin dadka reer galmudug.

30- bishan april ayaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashada madaxweynaha Galmudug sida lagu balansan yahay, waxaana socda qabanqaabada doorshadaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media