Dhageyso:-Xukunka ay Maanta fulisay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin horay u dilay taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Shabeellaha dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Fagaaraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab, halkaasi oo ay ku toogteen ciidamada ammaanka Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa Ninkii horay u dilay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugidda Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed kaasi oo lagu dilay Magaalada Jowhar 23kii June 2016.

Ninka dilka horay u geestay ayaa la sheegaa in uu kamid ahaa ilaaladiisa Gaarka aheyd inta uusan dilin taliyihii Nabad-Sugida Shabeellaha dhexe.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey u dishay rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab iyo kuwa kale oo iyana lagu helay in dilal bareer ah geesteen.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen C/laahi,ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee Maanta lagu fuliyay ninkii horay u dilay taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Shabeellaha dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Hoos Ka Dhageyso Codka