Dhageyso:-Xilka qaadista Madaxda Dowladda ay sameeyaan oo la dhaliilay

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa dowladda Somaaliya ku dhaliilay qaabka ay u mareyso xilka qaadista ay ku sameyneyso Masuuliyiinta xilka ka haya dowladda Soamaliya.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in ay qalad tahay in qof masuul ah oo xil kahaya dowladda in markii xilka laga qaado magaalada lagu fasaxo islamarkaana aan laga faa’iideysan waxyaabihii uu soo qabtay.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in hadii qof walba oo xilka laga qaado ay noqoto qof meel iskafadhiya taas micneheedu uu noqon doono in qof walbaa oo xil qabto uusan si wanagsaneyn ugu shaqeyneyn Bulshada isagoo ku fikiraya in xilka sidaan oo kale looga qaadayo.
Hadalka Wasiirka  Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan  uu ka sheegay Xafladii xil wareejinta Gudoomiyaha cuusb ee degmada Wadajir ayaa ku soo aadaya xili todobaadkii la soo dhaafay xilalkii laga qaaday 15 Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media