Dhageyso: Xildhibaanadda Galmudug oo laga xirtay xaruntii ay ku shiri jireen ee Cadaado

Xildhibaanadda maamulka Galmudug ayaa maanta loo diiday in ay ku kulmaan xarunta maamulkaasi oo ku taala magaaladda cadaado.

Sababta ka dambeysa in uu baaqdo kullanka xildhibaanadda maamulkaasi ayaa lagu sheegay in xarunta shirka ee maamulka Galmudug ay leeyihiin dad gaar ah islamarkaana ay iyagu xerteen.

Xildhibaan Ca’isho Maxamud Warsame oo la hadashay radio dalsan ayaa sheegtay in mudanayaasha maanta ay kulan ku lahaayeen xarunta balse markii ay tageen madasha kullanka ay la kulmeen xarunta oo xeran.

xildhibaanadda galmudug ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi in uu ka dambeeyo falka lagu xeray xarunta baarlamaanka Galmudug.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor