Dhageyso:-Xildhibaan ka hadlay Xildhibaanadii ku dhawaaqay Kudlada Horusocod

Xilhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah mudanayasha Baarlamaanka Somaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ka aaminsan yahay Xildhibaanada Boqolka ku dhow ee dhawaan dalka kenya uga dhawaaqay Kudlad la magac baxday(Horusocod)

Xildhibaanka ayaa sheegay in waqtigaan aan loo baahneen in la kala qubqubo Xildhibanaada Baarlamaanka islamarkaana aan tashuush lagu furin dowladda Cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo)

Waxa uu shaaciyay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Cusub ay yeelato Xildhibaano Mucaarad ah,isaguna uu qabo in ay wanagsan tahay in laga warsugo waqtina la siiyo dowlada Somaaliya.

Dalka kenya ayaa waxaa dhawaan ku kulmay Xildhibaano gaaraya ilaa 100,kuwaas oo sameestay Xisbi ay ku mideysan yihiin waxayna sheegen in ay jecel yihiin in ay dowladdu horay u socoto balse dadka qaar ay aaminsan yihiin in ay yihiin Xildhibaano Mucaarad ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media