DHAGEYSO: Xildhibaan Dhaqtar ”Waxaa la Abaabulayaa Banaanbaxyo la’isaga Horkenayo Shacabka iyo baarlamaanka”

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka ee wada moshinka ka dhanka ah xukumada cusub oo uu dhawaan ku dhawaaqay ra’isul wasaare Xassan Cali Kaheyre ayaa sheegay in la abaabulayo banaanbaxyo la’isaga horkeenayo shacabka iyo baarlamaanka, oo uu ka dadigay arintaasi, iyo in la  abuuuro dhibaatooyin hor leh.

Xildhibaan Dhaqtar waxaa uu shegay in 105 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ka mideysanyihiin arinta mooshinka ka dhanka ah xukuumada cusub, oo uu tilmaamay in loo soo magacaabay xukuumada qaab aan waafaqsaneen araktida  awood qeybsiga ee horey beelaha soomaaliyeed ugu heshiiyeen, waxaana uu soo jeediyey in lagu laabto arinta wasiirada cusub ka hor inta aan la horkeenin baarlamaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media