Dhageyso:-“Xildhibaan Caseer’Dhaqaalihii weey musuq maasuqeen mardambe yaanan la aaminin’

Guddiga Gurmadka abaaraha Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay in ay musuq maasuqeen Deeqo logu talo galay dadka ay abaaru saameysay ee ku nool tuulooyin hoostaga deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka mudug.

Xildhibaan Caseer Axmed Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo Waresyi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in tiro lana jeer ah ay Madaxda guddigu ay musuq maasuqeen lacago loo soo dhiibay guddiga islamarkaana ayanan gaarsiin dadkii logu talo galay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xiliagan dadka ku nool 16 tuulo oo hoostaga deegaanka Bacaadwyen ay ka jiraan dhibaatooyin ay sababeen Biyo la’aan baahsan oo halkaasi ka jirta waxa uuna ugu baaqay guddiga Gurmadka abaaraha Soamaliya in aysan mardambe lacago ugu soo dhiibin Guddiga Gurmadka abaaraha Maamulka Galmudug.
Xildhibaanka ayaa saheegay in ay arintaan kala xiriireen Madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug islamarkaan aysan ka helin wax jawaab ah oo lagu qanci karo.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media