(Dhageyso):- Xiisado Ka Taagan Deegaanada Khaatumo

Buuhoodle(Radio Dalsan):- Wararka aan ka heleeno dagmada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaasi ay kajirto xiisad dagaal oo u’dhaxeesa ciidamo kala taabacsan masuulyiitii labada garab ukala jabtay ee ka tirsan maamulka Khaatumo

dagmada buhoodle waxaa gaaray saraakiil uu hogaaminayay Axmed Falaaluug kuwas oo shegay in ay yihiin Jabhada xoreenta deegaanada Khaatumo kadib markii ay ka goosteen maamulka ayagoo ku eedeenaya in ay wada hadal la fureen maamulka Soomaaliland

dhanka kale ciidamo ka amar qaata madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa iyagana lagu arkayaa duleedka dagmada Buuhoodle waxaana laga cabsi qabaa dagaal xooagan inuu halkaasi ka dhaco

Halkan Hoose Ka Dhageso Codka Masuulyiinta Gaartay Buuhoodle

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor