DHAGEYSO: Xaalado dhinaca Nolosha oo Ka Taagan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaarayo degmada Degmada Aadan Yabaal iyo deegaanada ku xiran ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya inay ka jirto xaalado daran oo dhinaca nolosha ah, taa soo sababtay abaarta ka jirta deegaanadaas.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay inay saameyn ku yeelatay abaarta, islamarkaana dadkaasi oo u badnaa xoolo dhaqato ay ka dhamaadeen inta badan xoolihii.

Dhinacakale waxaa uu tilmaamay in xaaladaha ugu daran hada ay tahay dhinaca caafimaadka oo uu sheegay in degmadu eysan lahayn isbitaal caafimaad, marka laga reebo farmashiye uun  oo uu xusay inuusan dabooli karin baahida caafimaad ee ka jira deegaanadaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media