Dhageyso:-Xaaf”Siyaasiyiinta waa in ay joojiyaan dhaliisha badan

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf,ayaa ka codsaday Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya in la joojiyo dhaliilaha kala duwan ee loo jeedinayo dowladda Federaalka Soomaliya.

Waxa uu sheegay in xiligaan aan loo baahneen in la mucaarado dowladda Somaaliya,maadaama ay tahay mid Cusub oo aan wax badan jirin una baahan intii la dhaliili lahaa in waqti badan la siiyo sida uu hadalka u dhgay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in hada dowlada Somaaliya bilooyinkii yaraa ay jirtay wax badan qabtay fursad kaliyana ay u baahan tahay.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa imaanaya xili Maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen Siyaasiyiin     qaarkood dhaliilaya dowladda Federaalka Soomaliya

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media