Dhageyso:-Wasiirka Waxbarashada oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Maamulka Galmudug

Dhawaan Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in uu xiriirka u jaray Wasaarada Waxbarashada  dowladda Federaalka Somaaliya sababo la xiriira maamul xumo ka dhex jirta Wasaarada oo uu ula jeeday in Wasaaradu aysan soo gaarsiin Qalabkii ay imtixaanaadka ku geli lahaayeen Sanadkaan Ardayda ku nool deegaanada Maamulka Galmuudg.

Warkaas waxaa War-Baahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada ee Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqoow,balse waxaa hadalkaas jawaab ka bixiyay Wasiirka Waxbarashada Somaaliya.

Cabdiraxmaan  Daahir Cusmaan ayaa War-Baahinta u sheegay in deegaanada maamulka Galmudug uu imtixaanka sida gobolada kale uu siwadjir ah uga socdo xataa marka lagu daro degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guricel oo ay ku sugan yihiin Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in ay iska jiraan duruufo farabadan oo dhanka amniga ah balse imtixiinka iminka uu si wanaagsan u socdo ugana socdo Somaaliya oo dhan marka laga reebo deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media