Dhageyso:-Wasiirka War-Faafinta Iyo Gudoomiyaha G/Banaadir Oo Furay Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan Ee Idaacadda Dalsan

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisoow) ayaa xalay waxa ay siwadjir ah u fureen Barnaamijka tartan Aqooneedka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho oo Sanadkii Sadaxaad ay qabaneyso Idaacadda Dalsan.

Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan Xasan Cali Geeseey oo ka hadlayay Munaasabad lagu furayay tartanka ayaa sheegay in Sanadkaan loogu magacdaray (Aqoon iyo Abaalmarin) islamarkaana ay tahay Guul usoo hoyatay Maamulka Idaacadda Dalsan islamarkaana ay ka qeybgalayaan 26 degmo oo ka kala socda Gobolka Banaadir iyo gobolada dalka Somaaliya,waxa uuna balaan qaaday in degmooyinkii ku soo baxa dhanka anshaxa la abaalmarin doono.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Somaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisoow) ayaa  Radio Dalsan ku sheegay in mudadii koobneed ay jirtay ay ku hormartay dhinacyo badan isagoo ku amaanay in ay Idaacadaha kale uga horeyso dhanka adeega Social media sida, Facebook iyo twitterka.

Ugu dambeen Gudoomiyaha Gobolkaan Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo taabagelinta Barnaamijkaan iskaleh ayaa sheegay in uu soo jiitay Magaca (Aqoon iyo abaalmarin) islamarkaana Dalsan ay ku amaanan tahay sida ay uga qeyb qaadaneyso horumarinta dalka.

Tartanka ayaa inta uu socday waxaa laga dhageysanayay Xarumaha kala duwan ee Idaacadu ku leedahay Gobolada dalka Somaaliya halka sitoos ah looga daawanayay Muqdisho Cable Tv.

Xalay waxaa ku tartamay degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir iyo degmada jowhar oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana ugu dambeen ay Guusha ku raacday tartamayaasha degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

Caawa oo ah Habeenkii labaad ayaa waxaa ku tartami doona degmooyinka Rabdhuure ee Gobolka Bakool iyo degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media