DHAGEYSO: Wasiirka Gaashaandhiga oo Tababar u soo Xiray ku dhawaad 400 oo Askari

Wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Jeneraal Goordan oo ku taala Nawaaxiga Tarabuuka tababar ugu soo xiray 387 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo ay tababar u sameysay dowladda Imaaraadka carabta.

Munaasbada xiritaanka tababar kaas waxaa ka qeybgalay saraakiil  ciidan wasiirka cusub ee gaashaamdhiga iyo madax kale, iyadoo ay ciidamadu kuso bandhigeen inta ay socotay xaflada wixii la baray, islamarkaana sameeyey dhoolatus kooban.

Wasiirka gaashaandhiga  C/rashiid C/llaahi Maxamed oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in tababarka ay u qaateen ciidamada inay ku difaacaan danaha dadkooda iyo dalkooda, waxaana uu kula dardaarmay inay u shaqeeyaan shacabkooda.

Dhanacakale wasiirka ayaa uga mahadceliyey dowaladda Imaaraadka taageerida iyo garab istaaga ay u sameyneyso dowladda federaalka iyo shaqooyinka wanaagsan ay ka qabanaayaan gudaha dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media