DHAGEYSO: Wasiir Ducaale“ Mid Ka mid ah Labada Ruux ee La Toogtay waxaa uu Dilay Xoghayihii Wadajir”

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo gaaray degmada Wadajir, gaar ahaan xaafada danwadaaga ah oo ay maanta ciidamada dowladda ay ku toogteen laba ruux oo la sheegay inay hoobiyayaal ku tuureen qeybo ka mid ah degmadaas, ayaa marka hore u mahad celiyey ciidamadii amaanka ee ka hortagay falkaasi, waxaana uu sheegay in howgal guuleystay ay fuliyeen ciidamadaas.

Wasiir Ducaale waxaa uu tilmaamay in labada ruux ee lagu dilay howlgalkaas mid kood uu dilay xogahayiihi degmada Wadjir Cabdiraxmaan iyo laba askri oo ilaalo u aheyd oo dhawaan kooxa hubeysan ay ku toogteen Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media