DHAGEYSO: Wasiir Juxa oo Sheegay in Dowladda Aysan Wadan Musharax Gaar ah Doorashada Galmudug

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xuukuumada Soomaaliya  Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadlay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Cadaado ee Galmudug, waxaana uu sheegay in dowladdu aysan wadan musharax gaar ah, hayeeshee ay marqaati ka noqoneyso doorashada Cadaado.

Wasiir Juxa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado, waxaana uu tilmaamay inay goobjoog kaliya ka noqon doonaan doorashada madaxweynaha Galmudug, si ay u qiimeeyaan qaabka ay u dhaceyso doorashadaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.