DHAGEYSO: Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo Sheegtay inay Dajisay Qorsho Looga Hortagayo Cudurka Shubanka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka daryeelka hooyada iyo dhalaanka maamulka Hirshabeelle mudane Axmed Cabdikariin Maxamed ayaa ka hadlay sameynta uu cudurka shuban biyoodka ku hayo dadka ku dhaqan deeganada maamulka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe oo uu cudurku ka dilaacay, waxaana uu sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ee dhinaca caafimaadka ay qabaan dadkaasi ay tahay cudurka shubanka oo ku soo laa laabtay deegaanada maamulka.

Wasiirka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka Hirshabeelle ay dajisay qorsho looga hartago dhibaatad cudurkaasi, oo uu xusay in wasaaradu ay xooga saari doonto sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi, islamarkaana wacyi galin ay ka sameyn doonaan gobolka.

Wasiirka caafimaadka ee maamulka Hirsahbeelle Axmed Cabdikariin ayaa dhawaan booqasho ku tagay deegaanada uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo daawooyin gaarsiiyey degmooyinka Raage Ceele iyo Warshiiq, si wax looga qabto xaaladaha caafimaad ee ka jira degmooyinkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media