Dhageyso: Wasaaradaha Soomaaliya oo lagu amray in ay yeeshaan xarumo loogu adeego bulshada

Afayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/Wali ayaa sheegay in wasaaradaha qaarkood aysan lahayn goobo loogu adeego bulshada.

Ridwaan Xaaji C/Wali ayaa tilmaamay in wasaarad kasta lagu Amray in ay yeelato xarun loogu Adgeeso Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay in kulankii labada Cisho qaatay ee Golaha Wasiirada in diirada lagu saaray sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Xukuumadda 100 ka Maalin ee Soo Aadan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa dadaal Xoogan ugu jiro Sidii Waxbadan looga qaban lahaa xaalada dalka uu hada ku jiro.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor