Dhageyso:-Wariye Coldoon oo ka sheekeeyay dhibaatada taalla Xabsiga Hargeysa

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo mudo ku xirnaa Xabsiga Magaalada Hargeysa balse shalay uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Maamulka Somaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii uu la kulmay intii uu ku jiray Xasbiga iyo dhibaaatada adag ee waqtigaan ka jirta.

Coldoon,ayaa sheegay in Xabsiga uu ku arkay dad dhibteysan oo mudo ka abdan Lix Sano Xabiga isaga jira waqtigana uu ka dhamaaday balse ay weli heli la’yihiin Cadaalad,isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Somaaliland in uu ogaado dhibaatada ay qabaan Maxaabista ku jirta Xabsiga Hargeysa.

Sidoo kale Wariye Coldoon ayaa sheegay in Xukunkii lagu riday ee ahaa Xariga labada Sano uu ahaa mid aan cadaalad aheyn kaas oo ay isku maandhaafeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo xeer ilaaliyaha Qaranka Somaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media