Dhageyso: Tarsan oo ka hadlaya Shirka Madasha qaranka,doorka Turkiga iyo maqaamka Muqdisho

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir islamarkaana ahaa duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi gaar ah siiyay radio Dalsan ayaa ugu horeyn ka hadlay doorka dowlada Turkiga ay ka qaadaneyso horumarka Soomaaliya.

Tarsan waxa uu sheegay in Turkiga ay daacad ka tahay taageerida dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed,isaga oo intaasi ku daray in dowlada federaalka ay aad uga gaabisay ka fa’ideysiga garab istaaga Turkiga.

Waxa uu ka hadlay lacag laba Milyan ah oo ay dowlada Turkiga ugu deeqen Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka taagan.

Turkiga ayuu sheegay Tarsan iney Soomaaliya u balan qaaden iney u tababari doonan una qalabeyn doonan 20 kun oo Askari.

Tarsan waxa uu ka digay in lacagtan 2 milyan in loo adeegsado ololaha doorashada ee soo socda.

Gudoomiyaha ayaa sido kale ka hadlay maqaamka Muqdisho,waxa uuna dhaliil xoogan u jeediyay madasha qaranka isaga oo intaasi raaciyay in awoodii baarlamaanka la adeegsaday.

Maqaamka Muqdisho ayuu sheegay iney ka hadli karan xildhibaanada Baarlamaaka Soomaaliya balse ma ahayn iney madasha qaranka ka doodan ayuu hadalkiisa raaciyay Tarsan.

Haddaba halkan ka dhageyso wareysi uu arrimahasi uga hadlayo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor