Dhageyso:-Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe”Marxuumad Deeqo waa ay diiday in aan daaweeyno

Deeqo Diraac oo horay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya 20 Bishii Apriil Sanadii 2014,kii ay  ku xukuntay 15-sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ku dhex geeriyootay Isbitaal ku yaalla Xabsiga dhexe ee Xamar,ee Magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka xabsiga Dhexe General Maxamed Sheekh Cumar. ayaa sheegay in Marxuumad Deeqo in ay u geeriyootay Xanuunka Macaanka ama Sokorta sida uu sheegay taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar islamarkaana  mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina lala tacaalayay xaaladeeda Caafimaad.

 

Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in  ay diiday in la daaweeyo oo dhiig laga qaado taas oo ugu dambeen xalay Xabsiga dhexdiisa ay ku geeriyootay sida uu hadalka u dhigay.

Deeqo Diraac iyo 4 rag ah  oo la socday ayaa horay Maxkaamada Ciidamada Qalabka sida  ugu riday xukun,iyadoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil 5-tii bishii Apriil 2014,kii  Magaalada Muqdisho loogu geystay Nafisa Cismaan Salaad oo markaas uun dhameysay Mid kamid ah Jaamacaddaha Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliye ku xigeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media